Dadka dakhligoodu hooseeyo ayaa dalban kara kaalmo dhinaca kirada ah, iyada oon la fiirinaynin xaaladooda soo-galootinimo.

Sahan Journal waxaad ka heli kartaa warar lagu kalsoonyahay oo lahubo oo ku saabsan dadka gobolka Minnesota ku cusub. Si aad u hesho email usbuucle ah oo xanbaarsan warar kooban, isku dar helitaanka dhambaalkaanaga.

Processing…
Success! You're on the list.

Maqaalkan ku akhri English, Spanish, ama Hmong.

Laga billaabo maanta, Abriil 22-keeda, magaalada Minneapolis waxay aqbaleysaa codsiyada barnaamijka deg-dega ah ee kaalmada kirada, kaas oo loogu tala galay in lagu kaalmeeyo dadka magaalada degan ee dakhligoodu uu hooseeyo oo ay saamaysay aafada COVID-19.

Kadib markii ay dhawr kooxood oo xuquuqda dadka u ololaleeya ay culays saareen, ayaa magaaladu waxay bishan horaanteedii ku dhawaaqday $5 malyan oo ah qorshe lagu magacaabo GAP Funding. Lacagtan, oo ay dowladdu ku beegsanayso kuwa aan xaqa u lahayn kaalmooyinka ka imaanaya gobolka iyo faderaalka, ayaa $3 malyan u qoondaynaysa si ay dadka magaalada degan uga kaalmeyso kharaskhyada guryaha, $2 malyana ugu tala gashay deymo la siinayo ganacstada yar yar.

Xaalada soo galootinimo ayaan loo fiirinaynin xaq u lahaanshaha kaalmada ee qofka barnaamijkan dalbanaya.

Magaalada ayaa billowday in ay aqbasho codsiyada kaalmada guryaha laga billaabo Arbacada 9-ka subaxnimo soconayana ilaa duhurkii Abriil 27-deeda. Arji kasta oo dhamaystiran waxaa loo astaynayaa lambar kala sooc la’aan ah sidaas ayaana lagu kala soocayaa codsiyada, ayuu yidhi Asad Aliweyd, oo ah aasaasaha iyo agaasimaha guud ee New American Development Center ee kutaala Minneapolis.

Xarunta, oo ay weheliyaan hay’adaha kale ee Comunidades Latinas Unidas en Servicio (CLUES), CAPI USA, NorthPoint Health and Wellness, the YMCA, and Catholic Charities, ayaa is-kaashi la samaynaya magalaada si ay dadka uga kaalmeeyaan codsiyada iyo ka shaqayntoodaba, ayuu yidhi Aliweyd.

“Waxaan u baahan nahay in shacabkaanagu ay dalbadaan, kaalmana ay helaan, sababta oo ah intooda badan xaq ayay u leeyihiin,” ayuu yidhi Aliweyd, isaga oo intaas ku daray in boqolaal qof oo aad u danaynaya barnaamijka ay la soo xidhiidheen markii la billaabay daahfurkiisa. 

Xaq ma u leeyahay?

Qof kasta oo degan Minneapolis oo mushaarka soo gala uu ka yar yahay 30 boqolkiiba markii loo fiiriyo dakhliga dhexdhexaadka ah ee soo gala dadka degan aaga magaalada, COVID-19 dartiina ku waayay qayb ka mid ah dhakhligooda, ayaa laga yaabaa in ay xaq u yeeshaan barnaamijka Emergency Housing Assistance. Barta interka ee magaalada ayaa qeexaysa dakhliga khaaska ah ee laga rabo qoysaska xaqa u leh barnaamijkan.

Dadka degan magaalada ee dakhligoodu yahay 50 boqolkiiba ama in ka yar markii loo fiiriyo dakhliga dhexdhexaadka ah ee soo gala dadka degan aaga magaalada, ilmana ay u dhigtaan fasalada hoose ee Iskuulada Dadweynaha ee Minneapolis, ayaa iyagana dalban kara barnaakijkan iyaga oo u sii maraya Stable Homes Stable Schools. Magaalada ayaa barnaamijkan ku kharash garaynaysa $1 malyan, si ay ugu kaalmeyso qoysaska aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashyada guryaha sababo la xidhiidha aafada COVID-19 awgeed.

Jaan-goynta dakhliga ee barnaamijka “Emergency Housing Assistance Program” ayaa ku salaysan dhakhliga laga rabo dadka danyarta ah ee ay soo dajisay Wasaarada Guriyeynya iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Maraykanka. Waxaa loo xisaabiyaa 30 boqolkiiba ama in ka yar marka la fiiriyo dakhliga dhexdhexaadka ah ee soo gala dadka degan aaga magaalada.

Tirada qoyskaDakhliga soo gala
1$21,720
2$24,840
3$27,930
4$31,020
5$33,510
6$36,000
7$38,490
8$40,950

Lacag intii la eg ayaan helayaa?

Codsadeyaasha ayaa heli kara ugu badnaan illaa $1,500, taas oo magaaladu ay si toos ah u siinayso milkiileyaasha guryaha ama shirkadaha korontada iyo biyaha. “Xaalado khaas ah” ayaa laga yaabaa in codsaduhu uu helo illaa $2,000 sida ku qoran barta internetka ee magaalada.

Sideen u dalban karaa?

Laga billaabo maanta saacadu marka ay tahay 9-ka subaxnimo, illaa duhurkii Abriil 27-deeda, ayaa laga dalban karaa barta internetka ee magaalada. Codsigan ayaa ku qoran luuqadaha Ingiriiska, Spanishka, Hmongaha, Soomaaliga iyo Oromada. Haddii aadan barta internetka ka dalban karin, codsadeyaashu waxay wici karaan xarunta Tenant Resource Center (612-302-3129), farriina ay u dhaafi karaan iyaga oo sheegaya magacooda iyo cinwaanka guryahooda. Qof ka mid ah hay’adaha is-kaashiga la sameeyay magaalada ayaa ku soo wici doona sadex maalmood gudahood si ay codsigaaga telefoon ahaan kaaga buuxiyaan. 

Macluumaad keen u baahanahy

Dalbadayaasha ayaa u bahaan in ay nuqulladan heystaan.

  • Dakhliga qoyska ee sanad-laha ah (ka hor inta aan canshuurta laga goynin) laga billaabo bisha Maajo 2019 illaa Abriil 2020.
  • Dakhliga qoyska ee bil-laha ah (ka hor inta aan canshuurta laga goynin)
  • Tirada dakhliga ee ay waayeen sababo la xidhiidha COVID-19 
  • Tirada lacageed ee ay u baahanyihiin si ay isaga bixiyaan kharashyada guriga
  • Haddii ay dalbanayaan barnaamijka Stable Homes Stable Schools, codsadeyaasha waxaa laga rabaa in ay sheegaan inta ilmood ee u dhigata dugsiga hoose ee Minneapolis iyo magaca iskuulka.

This article has been translated into Somali by Mustafa Ibrahim, a Minnesota-based educator.