Sahan Journal waxaad ka heli kartaa warar lagu kalsoonyahay oo lahubo oo ku saabsan dadka gobolka Minnesota ku cusub. Si aad u hesho email usbuucle ah oo xanbaarsan warar kooban, isku dar helitaanka dhambaalkaanaga.
Maqaalkan ku akhri English, Spanish, ama Hmong.
Minnesota ayaa diyaar u ah in ay gasho waji cusub oo ah la tacaalka caabuqa koronafayras, taas oo ah mid ka yara dabacsan sii xakamaynta fayraska.
Badhasaab Tim Walz ayaa ogolaanaya in amarkii guri-joogga ahaa uu ku ekaado habeenka Axadda, halkii uu ku dari lahaa wakhti dheeraad ah si loo yareeyo faafitaanka COVID-19. Laga billaabo Isniinta, ganacsiyada qaarkood ayaa dib loo furi doonaa si xaddidan, waxaa kale oo la ogolyahay in 10 qof iyo wixii ka yar ay isku meel ku kulmaan, sida meelaha lagu cibaadaysto oo kale.
Gudoomiyaha gobolka ayaa arintaas shaaciyaay hadal uu gobolka u jeediyay habeenkii Arbacada. Hadalkaas kadib, Walz wuxuu wariyayaasha u qiray in talaabadani ay tahay mid shul ama shal ah (khamaar ah), markii la fiiriyo hab-dhaqanka baniiaadamka iyo iyada oo fayrasku uusan si xawli ah hada ku fidaynin.
“Arrintani ama way shaqayn doontaa ama ma shaqayn doonto,” Walz ayaa sidaas yidhi. “Dadku isbitaallada ayay ka joogayaan ama ay tagayaan”
Laakiinse, waxaa wali sii jiraysa xannibaaddii saarnayd makhaayadaha, baararka, tiyaatarada, meelaha kale oo lagu ciyaaro iyo goobaha kale ee dadka badani isugu imaadaan.
“Waxa walba hal mar ma badalayno si arintu caadi ugu noqoto,” Walz ayaa hadalkiisii sidaas ku sheegay.
Badhasaabka ayaan u ogolaanaynin makhaaydaha in dib u bilaabaan in cunto dhaxdooda lagu cuno, oo ay sii ahaadaan in cuntada laga qaato oo kali ah. Wuxuu sheegay in uu hay’adihiisa ku amray in ay usbuuca soo socda diyaariyaan qorshe “xaddidan oo ammaan ah” oo dib loogu furayo baararka, makhaaydaha iyo xarumaha kalaba si dadku ay u istimaaclaan laga billaabo Juun 1-deeda.
Marka ay dib u billaabmaan, xarumahaas waxaa soo foodsaari doonta awood-xadidnaan. Walz ayaa sidoo kale saxiixay amar dadka u saamaxaya in ay sheegaan haddii uu jiro wax ku saabsan walwal dhinaca ammaanka ee goobaha shaqada iyaga oo aan ka cabsanaynin faquuq ama aargoosasho.
Tani waa xaalad la mid ah sida meelaha timaha lagu hagaajiyo, suuqyada timaha lagu jaro, meelaha lagu jimicsado iyo meelaha kale ee hadda dhaqdhaqaaqa xannibaaddu ay saaran tahay kuwaas oon awoodin in ay macaamiil helaan illaa Maarso. Meelaha timaha lagu hagaajiyo iyo suuqyada timaha lagu jaro ayaa loo ogol yahay in ay badeecadooda ku iibibiyaan dhinacayada xarumahooda, loomana ogola in ay khidmadooda ku bixiyaan xarumahooda dhaxdooda.
Waxaa jira isbadallo mudan in la xuso taas oo la ogol yahay, iyada oo la tixgalinayo in dadku ay raacayaan kala fogaanshaha iyo shuruucda isu imaatinka.
- Qoysaska ayaa loo ogolyahay in ay habeen bax hal meel ku sameeyaan, taas oon aheyn meelaha dhisan ee habeen baxyada aalaa lagu sameeyo. Meelaha lagu dibad-baxo ee khaaska loo leeyahay iyo kuwa caamka ahba ayaa wali xidhan. Damaashaadka xagaa baxa ee maalintii ah ayaa la ogol yahay, laakiinse habeenkii lama baryi karo.
- Dadka hal-halka ah ama laba-labada ah ee tababarka ama hagida ka shaqeeya sida kaluumaysiga, shimbirro daawashada, ama tababarada jimicsiga ee banaanka lagu sameeyo ayaa dib u billaaban kara.
- Tartamada bannaanada lagu qabto, tababarrada, iyo ciyaaraha saamaxaya kala fogaanshaha bulshada ayaa iyagana la ogol yahay.
Xili uu galabtii Arbacada hadal jeedinayay, Walz wuxuu ku amaanay reer Minnesota sidii ay ugu adkaysteen labadii bilood ee la soo dhaafay, isaga oo sheegay in amarkii guri-joogga ee ka ilaalinayay reer Minnesota in ay isugu yimaadaan meelaha caamka ah, uu wax ka taray in uu cudarkani si xawli ah ku faafo, kumannaan dad ahna badbaadiyay, wakhti loo baahnaana reer Minnesotana siiyay si ay u helaan agabkii gargaarka caafimaadka ee muhiimka ahaa, diyaarna uga dhigay kor u kaca isbitaal geynta dadka uu COVID-19 ku dhacay.
Wuxuu qiray in taloobooyinkaas uu qaday ay ka galaafteen tobanaan kun oo Minnesotan ah shaqooyinkoodii, iyada oo dukaamadii, makhaayadihii iyo waaxihii kalaba la xidhay.
Markii uu shaaciyay dhammaadkii amarkii guri-jooggu, Walz wuxuu ka codsaday reer Minnesota in ay amaankooda u feejignaadaan. Wuxuu sheegay in dadka uu ka rajaynayo in ay guryaha ka shaqeeyaan haddii ay suurtagal tahay, af-duubna ay xidhaan, ilaa lix taakana ay kala fogoaadaan xaataa haddii ay yihiin kooxo toban ama ka yar ah, baadhitaana ay isku sameeyaan haddii ay isku arkaan calaamadaha COVID-19.
“Wali waxaan badhtamaha kaga jirnaa musiibadan, si deg deg ahna meel xun ayay u gaadhi kartaa,” ayuu yidhi Walz. Hadafku wuxuu ahaa, ayuu ku daray, in faafitaanka cudurku la xakameeyo oo aan la sii hurinin.