Sahan Journal waxaad ka heli kartaa warar lagu kalsoonyahay oo lahubo oo ku saabsan dadka gobolka Minnesota ku cusub. Si aad u hesho email usbuucle ah oo xanbaarsan warar kooban, isku dar helitaanka dhambaalkaanaga.
Maqaalkan ku akhri English, Spanish, ama Hmong.
Badhasaab Tim Walz ayaa dabcinaya xakamayntii kala fogaanshaha bulshadeed si loo hakiyo faafitaanka COVID 19.
Amarka “Is Ilaali Minnesota” ayaa badalay amarkii hore ee guri-joogga, kaas oo dhamaanaya Maajo 18-keeda.
Amarkan cusub ayaa dukaamada tafaariiqda ah u saamaxaya in si xaddidan dib loogu furo. Waxaa kale oo la ogolaaday in ay dad gaadhaya illaa 10 ama ka yar ay ku kulmi karaan meelaha lagu cibaadaysto.
Xakameynta saaran makhaaydaha, baararka, tiyaatarada, hoolka lagu garaangariyo kubbadda “bowlin”-ka (bowling alleys) iyo xarumaha kale ee ay dad badan isugu imaan karaan ayaa wali taagan.
Ganacsiyadee ayaa dib loo furayaa?
Dukaamada tafaariiqda, suuqyada waaweyn iyo gacansiyada kale ayaa dib loo furi karaa iyada oo dadku ay dukaamada dhexdooda ka adeegan karaan hadii uu jiro qorshe u degan shaqaalaha iyo macaamiishaba oo ay ku kala fogaanayaanaan, iyo ganacsatadaas oo illaa 50 boqolkliiba awooddooda ku shaqeynaya mar walba.
Makhaayadaha dhexdooda cunto ma ku cuni karaa, meelaha lagu jimicsadana ma aadi karaa?
Maya. Baararka iyo meelaha lagu jimicsado ayaa wali xidhan. Makhaayadahana cuntada uun baa laga qaadan karaa.
Timo jare ma aadi karaa?
Maya. Meelaha timaha lagu hagaajiyo ama lagu jaro ayaa waxaa loo ogol yahay in ay agabkooda ku iibiyaan meelo dhismayaashooda ka baxsan, laakiinse lama ogola in ay dukaamdaas dhexdooda shaqo ku qabtaan.
Goorma ayaa makhaayadaha iyo meelaha timaha lagu hagaajiyo dib loo furayaa?
Walz ayaa ku amray hay’adihiisa in ay la yimaadaan qaabab si taxadar leh dib loogu furayo baararka, makhaayadaha, meelaha timaha lagu jrato iyo meelaha timaha lagu hagaajiyo laga billaabo Juun 1-deeda. Wuxuu rajaynayaa in talooyinkaasi ay diyaar noqdaan Maajo 20-keeda.
Dad kooxo ah in ay kulmaan ma la ogol yahay?
Haa, laakiinse xakamayn ayaa jirta. Kulan wadareedyada ah ilaa 10 qof ama wixii ka yar, oo ay ku jiraan meelaha lagu cibaadaysto, ayaa la ogol yahay. Dadka ayaa wali laga rabaa in ay isu jirsadaan ilaa lix taako.
Isbadalkan wax saamayn ah miyuu ku leeyahay iskuulada sanadkan?
Maya. Waxbarshada aan fasalada la tagin ayaa wali sii soconaysa ilaa iyo dhamaadka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Meelaha caamka ah afduub miyaan xidhanayaa? Illaa lix taakana miyaan dadka kale u jirsanayaa?
Markii uu shaaciyay dhammaadkii amarkii guri-jooggu, Walz wuxuu ka codsaday reer Minnesota in ay amaankooda u feejignaadaan. Wuxuu sheegay in dadka uu ka rajaynayo in ay guryaha ka shaqeeyaan haddii ay suurtagal tahay, af-duubna ay xidhaan, ilaa lix taakana ay kala fogoaadaan xaataa haddii ay yihiin kooxo toban ama ka yar ah, baadhitaana ay isku sameeyaan haddii ay isku arkaan calaamadaha COVID-19.
Goobtaydii shaqada ayaa dib u furmaysa, laakiinse ammaan ma dareemayo. Ma waxay tahay in aan ka walwalo aargoosi ama in aan waayo lacagta la siiyo dadka shaqadu ka dhamaatay?
Walz ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo aargoosi laga aargoosanyo shaqaalaha aan ammaan ku dareemin meelaha ay ka shaqeeyaan. Amarkaas ayaa sheegaya in shaqaaluhu ay xaq u leeyihiin lacagta la siiyo dadka shaqadu ka dhamaatay hadii ay dareemayaan in ay khatar ugu jiraan in uu ku dhaco cudurka COVID 19.
“Waxaan aaminsanahay in ay dhici karaan xaalado ay dadku iska dhaadhacsiiyaan in goobahooda shaqo aysan ammaan ahayn amaba aan sharciga la raacaynin, waxaan doonaynaa in dadku ay sidaas sameeyaan,” Walz ayaa sidaas wariyayaasha u sheegay.
Maxaa dhacaya hadii uu cudurku ka sii daro? Xanibaadii miyaa la soo celinayaa.?
Walz ayaa sheegay in ganacsiga oo dib loo furo uu sii kordhin karo faafida COVID-19 ee Minnesota. Haddii uu u baahdo in ganacsiga mar kale la xidhana uu sidaas samaynayo.