Sawirkaan, oo ay samaysay Xarunta Kontaroolka iyo Kahortaga Cudurada (Center for Disease Control and prevention ama CDC), wuxuu ku tusayaa muuqaalka cudurka koronafayras. Credit: Xuquuqda sawirka waxaa iska leh Xarunta Kontaroolka iyo Kahortaga Cudurada (CDC).

Cudurka loo yaqaan koronafayras, ama COVID-19, wuxuu ku faafayaa gobolada wadanka oo dhan oo ay Minnesota ku jirto. Ma qabtaa wax su’aalo ah oo la xidhiidha cudurka koronafayras? Fadlan noo soo gudbiya wixii su’aalo ah ee aad qabtaan indinka oo isticmaalaya foomkan, waxaana ku dadaalaynaa in su’aalihiina aan ka jawaabno.

Maqaalkan ku akhri luuqadaha English, Spanish, ama Hmong.

Processing…
Success! You're on the list.

Waa maxay koronafayras?

Koronafayras-yadu waa fayrasyo ka kakooban bahwadaag balaadhan oo xanuun ku keeni kara bani-aadamka ama xayawaanka. Cudurka cusub ee koronafayra-ka ee hada faafaya wuxuu ka billawday magaalada Wuhan ee ku taala dalka Shiinaha, waxaana si gaar ah loogu magacaabaa COVID-19. Dadka uu xanuunkan ku dhaco waxaa laga yaabaa in lagu arko calaamado xanuun oo la xidhiidha dhinaca neefsashada, sida qufac iyo neef-qaadashada oo ku yaraata. Calaamadaha kale ee cudurkan lagu garto waxaa ka mid ah qandho, muruqyo xanuun, madax xanuun, riiraxyo, iyo shuban, sida laga soo xigtay Xarunta Kontaroolka iyo Kahortaga Cudurada (Center for Disease Control and Prevention ama CDC).

Siduu ku faafaa COVID-19?

Cudurkan waa mid dadku isku gudbin karo, gaar ahaan haddii ay dadku aad isugu dhow yihiin ama ay isu jiraan lix taako. 

Wuxuu ku faafikaraa dhibicyo aad u yaryar, sida candhuufta ama xaakada, oo ka soo baxa habdhiska neefmareenka qofka xanuunsan marka uu qufaco ama hindhiso. Dhibcahaa yaryari waxa ay dadka kale ee qofka jiran u dhow ka gali karaan afka ama sanka.

Dadka waaweyn ee xaalado caafimaad oo kale awalba qabay ayaa xanuunkaan aad ugu nugul. 

Sidee ayaan isaga difaaci karaa cudurkan, dadka kalana uga ilaalin karaa?

Khubarada caafimaadku waxay soo jeedinayaan in aad gurigaaga iska joogto haddii aad xanuunsantahay. Xarunta Kontaroolka iyo Kahortaga Cudurada (CDC) waxay ku talinaysaa in aad gamcahaaga saabuun iyo biyo ku dhaqdo ilaa 20 ilbiriqsi, gaar ahaan markaad qufacdo, hindhisto, ama diifisato. Ka taxadar in  aad u dhawaato dadka xanuunsan. Isku day in aadan taabanin wajigaaga.

YouTube video

Goorma ayaan dhakhtar arki karaa?

Haddii aad dareemayso inuu ku soo hayo cudurka COVID-19 ama aad isku aragto calaamadihiisa sida qandho, qufac, iyo neefta oo kugu yaraata, waa inaad dhakhtar wacdo waxaana laga yaabaa in cudurka lagaa baadho.

Ogaw haddii uu kugu dhaco cudurka COVID-19 waxaa laga yaabaa inaad calaamadihiisa isku aragto inta u dhaxaysa labo illaa 14 maalmood. Iska baadh cudurka haddii aad 14-kii maalmood ee la soo dhaafay u safartay mid ka mid ah wadamada uu cudurkani gaaray.

Waa maxay talooyinka ay Wasaarada Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ka soo saartay kulamada dadka?

Wasaarada Caafimaadka ee Minnesota (MDH) waxay ku talinaysaa in dib loo dhigo ama aan la qabanin riwaayadaha, shirarka xirfadleyda, riwaayadaha iskuulada, isu soo baxyada ciyaaraha, iyo isu imaatinada kale ee ay dhici karto in ay ka qaybgalaan dad gaaraya 250 qof. Wasaarada caafimaadku waxaa kale oo ay ku talinaysaa in dib loo dhigo ama la baajiyo kulamada kale ee yar-yar ee laga yaabo in lagu qabto qolal dadku buuxdhaafiyay, ama meelo kale oo aanay suurtagal ahayn in dadku kala fogaadaan in u dhaxaysa lix taako.

Waxaa horay loo baajiyay in badan oo ka mid ah isu soo baxyada ciyaaraha iyo xaflado kale oo la qaban lahaa. Sidoo kale waxaa la baajiyay fasaladii ka baxayey Jaamacada Minnesota (University of Minnesota). 

Gudoomiye Tim Walz ayaa Axadi ku dhawaaqay in iskuulada K-12 ee gobolka oo dhan la xidhi doono laga billaabo Maarso 18 illaa Maarso 27, iyada oo ay arintaasi jawaab u tahay musiibada caalamiga ah ee cududrka koronfayraska ee wali socota.

This article has been translated into Somali by Kassim Mohamed of Kasmo Consultancy.

Sahan Journal’s health coverage is supported in part by a generous gift from Delta Dental of Minnesota.

Cudurka loo yaqaan koronafayras, ama COVID-19, wuxuu ku faafayaa gobolada wadanka oo dhan oo ay Minnesota ku jirto. Ma qabtaa wax su’aalo ah oo la xadhiidha cudurka koronafayras? Fadlan noo soo gudbiya wixii su’aalo ah ee aad qabtaan indinka oo isticmaalaya foomkan, waxaana ku dadaalaynaa in su’aalihiina aan ka jawaabno.

Maqaalkan ku akhri luuqadaha English, Spanish, ama Hmong.

Mukhtar Ibrahim is the founding publisher and CEO of Sahan Journal. He previously worked as a staff writer for the Star Tribune and Minnesota Public Radio News. He has also written for the St. Paul...