Johann Hauser paints the storefront window of Broders' Pasta Bar on 50th Street in Minneapolis on Tuesday to advertise that the restaurant will remain open for takeout. Bars, restaurants and other venues that serve dine-in guests are closing in an effort to curb the spread of COVID-19. Credit: Judy Griesedieck for MPR News

To continue reading this article and others for free, please sign up for our newsletter.

Sahan Journal publishes deep, reported news for and with immigrants and communities of color—the kind of stories you won’t find anywhere else.

Unlock our in-depth reporting by signing up for our free newsletter.

Processing…
Success! You're on the list.

Maqaalkan ku akhri luuqadaha EnglishSpanish, ama Hmong.

Maarso 20: Dhimashadii koowaad ee la xidiidha koronafayras ayaa laga xaqiijiyay Minnesota; Walz ayaa mamnuucay sicir kor u qaadid

Haweenay ku noolayd Deegaanka Ramsey, jirtayna illaa sideetameeyo maalmo dhaweydna laga helay cudurka COVID-19, ayaa dhimatay Jimcihii. Dhimashadan ayaa ah tii ugu horaysay oo lala xidhiidinayo cudurkan ee Minnesota ka dhacda, hawlwadeenada caafimaadka ayaa sidaas sheegay Sabtidii, iyada oo tirada dadka qaba ducurka COVID-19 ee gobolku ay kor u kacday oo ay hadda gaadhayso 138 qof, meesha ay Jimcihii ka ahayd 115. 

Warbixinta maalin laha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka ayaa xaqiijisay in cudurkan uu gaadhay dhinaca waqooyi bari ee Minnesota, gaar ahaan Deegaanka St. Louis.

Iyada oo cudurka koronafayras-ka uu sii badanayo darteed, ayaa Badhasaab Tim Walz wuxuu ka shaqaynayaa xakamaynta sicir bararka soo foodsaaray waxyaabaha gacmaha lagu nadiifiyo iyo alaabooyinka kale ee muhiimka ahba. 

Walz ayaa Jimcihii soo saaray amar uu ku mamnuucayo in qiimo kordhin aad ah lagu sameeyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah xiliga uu socdo cudurkan aafada ah. 

Tallaabadan lagu mamnuucayo qiimo kordhinta ayaa ah arrin muhiim ah sababta oo ah Minnesota ma laha sharci mamnuucaya qiima kordhinta aadka ah. Waxaa jira xog sheegaysa in Minnesota lagu arkay dad dhiig miirato ah oo dadka qiimo aad u sareeya wax kaga gadaya, “gaar ahaan dadka nugul ama masaakiinta ah xiligan lagu jiro dhibaatada wayn,” Walz ayaa sidaas yidhi mar uu galabtii Jimcaha ka hadlayay shir jaraa’id.  

“Waxaan aragnay gacan nadiifiye isku celcelis halkii dhalo qiimaheedu gaadhayo $60. Halka kuwo kalana ay $1 ku raadinayeen dhibic yar oo gacan nadiifiye ah,” Walz ayaa sidaas yidhi. “Inagu dad sidaa sameeya ma nihin.”

Sidoo kale Walz wuxuu bulshada u sheegay in talaabooyinka kale ee ay dawladdu qaadayso ay kamid tahay in dib loogu yeedho dadkii horey caafimaadka uga soo shaqayn jiray ee hawl gabka noqday, sida kalkaaliyeyaal, dhakhaatiir iyo farasamo yaqaannada caafimaadka, si ay u qabtaan hawlaha caafimaadka ee looga baahanyahay isbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka inta ay socoto aafadan. 

Talaabooyinkan cusub waxay daba socdaan amarro uu Walz bixiyay Khamiistii, kuwaas oo ay kamid yihiin in 30 bari dib loo dhigo canshuuraha iibka ee makhaayadaha laga qaado. Dawladda ayaa makhaayadaha ku qasabtay in aynan dadku cunto ku dhex cuni karin si loo joojiyo faafidda koronafayras-ka.  

Waxaa kale oo uu badhasaabku amray in dhammaan isbitaalladu ay si ku meel gaar ah u joojiyaan qalitaanada aan muhiimka ahayn maadama ay isbitaaladu iyo xarumaha kale ee caafimaadku ay isu diyaarinnayaan la tacaalida ama wax ka qabashada dadka xad-dhaafka ah ee uu ku dhacay cudurka COVID-19. 

Walz waxaa kale uu sheegay in maamulkiisu uu ka fikirayo in uu soo saaro “bandow” sida California ay samaysay oo kale, hasa yeeshee uunan wali diyaar u ahayn soo saaridda amarkaas.

Amarkan wuxuu dadka Minnesota degan ku khasbi doonaa in ay guryahooda joogaan, marka laga reebo qof aadaya adeeg lagama maarmaan ah sida dukaamaysi. Meheradaha loo arko in ay lagama maarmaan yihiin sida isbitaalada, xarumaha kale ee caafimaadka, dukaamada iyo bangiyadu way furnaan doonaan.

Maamulka Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in canshuur xareynta federaalka ee shakhsiga ah, taas oo ku ekayd Abriil 15-keeda, labadalay oo laga dhigay Juulaay 15-keeda. 

Walz wuxuu Jimcihii sheegay in ay u badan tahay in Minnesota ay dib u dhigi doonto canshuurta ka soo xaroota waxyaabaha la iibiyo, inkasta oo uu ku dhiirigaliyay canshuur bixiyeyaasha rajaynaya in ay lacag u soo noqoto in ay canshuurtooda durba xareeyaan.

Sidaa si lamid ah, Walz wuxuu ku dhawaaqay wakhti gaar ah oo la isku diiwaangalinayo MNsure, oo ah barnaamijka caymiska caafimaadka ee gobolka Minnesota. Is-diiwaangalintan cusub ee MNsure waxay soconaysaa laga bilaabo Maarso 23 illaa Abriil 21, waxaana loogu talagalay dadka aan hadda haysanin caymis caafimaad.   

Dadka dalbanaya in laga kaalmeeyo shaqo la’aanta ayaa aad kor ugu kacay tan iyo intii ay bilaabatay dhibaatadan, sidaa waxaa sheegay Wasiirka Wasaaradda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Minnesota Steve Grove. Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddu ay heshay in ka badan 95,000 oo dalab tan iyo intii uu Walz amray in barnaamijka lacagta shaqo la’aantu u furantahay qof kasta oo ay saameysay aafada koronafayras-ka

Dalabyadii hore ee la dalban jiray lacagta la siiyo dadka shaqo la’aanta ah qiyaastii waxay ahaan jirtay 18,000 todobaadkii, Grove ayaa sidaas yidhi, “nambarradan ayaa ah kuwo inta badan aan la arag.” Dadka todobaadkan buuxiyay barnaamijka shaqo la’aanta ayaa saddex meelood oo meel waxay ka yimaadeen makhaayadaha iyo qaybta maaweelada, Grove ayaa sidaas yidhi.

Maarso 19: Ma is-weydiinaysaa meelaha aad ka heli kartid caawimaad maadaama meeshii aad ka shaqeynaysay ay dawladdu xidhay? Meelahan ayaad wax ku caawiya ka heli kartaa.

Xidhitaanka ay dawladdu xidhay ganacsiga aan aadka muhiimka u ahayn ee Minnesota — kuwaas oo ay ka mid yihiin makaayadaha cuntada, shaaha iyo qaxwada, baararka, meelaha timaha iyo cidiyaha lagu hagaajiyo, iyo meelaha kale ee dadka loogu jimciyo — si loo hakiyo faafidda cudurka COVID-19, kaas oo kummanaan dad ah shaqo la’aan dhigay, dhibaato dhaqaalana ku abuuray milkiilayaasha ganacsiga yar-yar.

Hasayeeshee, madaxda Minnesota waxay ku hawlanyihiin in ay yareeyaan dhibaatada dhaqaale ee cudurkan uu keenay, iyaga oo fududeynaya sidii lagu heli karo lacagta caymiska ah ee la siiyo dadka shaqo la’aanta ah (unemployment benefits). Madaxdu waxay kordhiyeen barnaamijka lagu caawinayo dadka uu saameeyay COVID-19 ee aafada ah. Waxaa kale oo ay madaxdu ku dhawaaqeen in la yareeyo wakhtiga la sugayo helitaanka lacagta caawinta ah. Amar uu maalin dhawayd soo saaray Badhasaabka Minnesota Tim Walz ayaa wuxuu ka dulqaaday xannibaadii dulsaarnayd bixinta lacagta caymiska ah ee ku ekeyd shanta todobaad ee la siinayo ganacsata uu saameeyay cudurka COVID-19.

Dadka shaqo la’aantu ku dhacday waxay xaq u leeyihiin in ay helaan kala badh lacagtii ay ku shaqeyn jireen, iyada oo todobaadkiiba la siin doono lacag gaaraysa $740.

Si’aad barnaamijkaas u dalbato, halkan ka billow: https://www.uimn.org

Ugu horayn, waa in aad ka jawaabto su’aalo dhowr ah si loo xaqiijiyo in aad barnaamijkan xaq u leedahay iyo in kale. Waxaad lacagtan xaq u yeelan kartaa hadii xirfadle caafimaad uu soo jeediyo in aadan dadka dhax gali karin, hadii lagugu amro in goobta shaqada aadan iman karin, hadii saacadahaaga shaqada la dhimay, ama caruurtaada iskuuladoodii la xidhay, xanaanada caruurtana aadan haysanin. 

Luuqada Ingiriiska ka sokow, website-ka Rugta Barnaamijka Caymiska Shaqo La’aanta waxaad ka heli kartaa sidii loo buuxin lahaa barmaamijka iyada oo ay ku qoran yihiin luuqadaha Spanish-ka, Hmong-gaha iyo Soomaaliga.

Gobolku waxaa kale oo laga yaabaa in uu caawimaad siiyo dadka ganacsatada ah ee meheradahoodii loo xidhay sabab la xidhiidhta COVID-19, in kasta oo wali faahfaahinta arintaas aan la dhamaynin. Wixii arintan ka soo cusboonaada kala xidhiidh: https://mn.gov/deed/

Intaas waxaa dheer in xildhibaanada federaalka ay ka doodayaan qorshe gargaar oo lagu kaalmaynayo dadka leh ganacsiga yar-yar, iyo in jeegag lagu kobcinayo dhaqaalaha loo diro muwaadiniinta Maraykanka oo dhan.

Maarso 18: Badhasaab Walz ayaa amar kubixiyay in laxidho dhamaan baararka, makhaayadaha shaaha iyo qaxwada ee gobolka Minnesota.

Badhasaabka Minnesota Tim Walz ayaa ku dhawaaqay in, laga bilaabo Talaada 5:00 galabnimo, si kumeel gaar ah loo xidhi doono baararka, makhaayadaha shaaha iyo qaxwada iyo meelaha kale ee cuntada lagu cuno, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka koronofayras, COVID-19.

Meelaha sameyn kara in ay bixiyaan cunto iyo cabitaan loo qaadanayo guryaha ama kari-kara in ay cuntooyinka, adeegyada iyo alaabooyinka kale dadka guryaha ugu geeyaan, way sameyn karaan sidaas. 

Xidhitaanku wuxuu soconnaysaa ilaa Maarso 27, saacaddu markay tahay 5:00 galabnimo, waxayna ubadantahay in lasii kordhiyo oo uu sii-socdo xidhitaanku. 

“Inteena badan waan garanaynaa in ay suurtagal noqon karto in lasii kordhiyo amarka dowladda,” saas waxaa yidhi Walz mar uu ka hadlayay shir jaraa’id oo la xidhiidha amarka xaaladda degdega ah ee lagu soo rogay gobolka Minnesota.

Amarka ma saameynayo ama ma khuseeyo dukaamada laga adeegto ee waaweyn, dukaamada yaryar ama farmashiyaasha, sidaas waxaa yidhi Badhasaab Walz oo ku howlan sidii uu kor ugu qaadi lahaa barnaamijka caymiska dadka shaqo la’aanta ah ee gobolka, si loo caawiyo shaqaalaha iyo shirkadaha ay arintani saameysay.

Tabaha lagu xakameynayo koronofayras-ka way is-babadalayaan, iyada oo talooyin iyo amarro cusub ay maalin kasta soo baxayaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) waxay ku talinaysaa in dib loo dhigo ama la joojiyo xafladaha ama kulan kasta oo ay isugu imaanayaan 50 qof ama ka badan.

Wasaaraddu waxaa kale oo ay ku talinaysaa in dib loo dhigo ama la joojiyo kulamada ay isugu imanayaan dadka xanuunkan aadka ugu nugul, sida dadka waaweyn ee xanuuno kale qaba.  

Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota waxay ku talinnaysaa in ay dadku kala fogaadaan marka ay banaanka joogaan oo ay kala durkaan illaa lix taako.

This article has been translated into Somali by Sadiq Mohamud, a Minnesota-based writer, poet and educator.

Avatar photo

Sahan Journal is a nonprofit digital newsroom dedicated to reporting for immigrants and communities of color in Minnesota. Our diverse staff creates exceptional journalism: coverage that truly represents...