Students keep social distance as they line up to pick up books, work and their belongings at North High School gym Monday. Schools have temporarily closed amid the COVID-19 outbreak to prepare for distance learning. Credit: Christine T. Nguyen | MPR News

To continue reading this article and others for free, please sign up for our newsletter.

Sahan Journal publishes deep, reported news for and with immigrants and communities of color—the kind of stories you won’t find anywhere else.

Unlock our in-depth reporting by signing up for our free newsletter.

Processing…
Success! You're on the list.

Maqaalkan ku akhri luuqadaha EnglishSpanish, ama Hmong.

Waalidiin badan oo degan gobolka ayaa ogaanaya in ay sugi doonaan ugu yaraan shan usbuuc ka hor inta aysan carruurtooda mar kale dib ugu celinin iskuulada.

Arbacadii, Badhasaab Tim Walz wuxuu iskuuladada Minnesota ku amray in ay sii xidhnaadaan illaa iyo Maajo 4-teeda, iyada oo uu gobolku la tacaalayo aafada COVID-19. 

Halkan ka akhriso sagaal arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaatid qorshayaasha iskuulada.

1) IIlaa iyo intee ayay iskuulada Minnesota xidhnaan doonaan?

Badhasaabku wuxuu iskuulada u sheegay in ay sii xidhnaadaan illaa iyo Abriil oo dhan. Shaqaalaha iskuulada ayaa lagu wargeliyay in ay shaqada ku soo noqdaan Maajo 1-deeda si ay ardada ugu diyaariyaan ku soo noqoshada iskuulada. Ardada ayaa laga yaabaa in ay fasallada ku soo noqdaan Maajo 5-teeda.

Laakiinse arrintaas ayaa ah qorshaha hadda jira oo kaliya. Walz ayaa laga yaabaa in xidhnaanshaha iskuulada uu sii kordhiyo. Dabcan, arintaasi taxadarkeeda ayay leedahay sababta oo ah waxaan ku dhex jirnaa Fasixii Gu’ga (Spring Break). Qaar ka mid ah iskuulada Minnesota ayuu fasaxaasi hadda u dhamaanayaa, ama u billaabmanaya amaba ku dhex jira. Iskuulada degmooyinka ayaa arrintaas qorshaynteeda ku howlan.

2) Intee ayay carruurtu waxbarashada sii wadayaan hadii ay iskuuladu xidhan yihiin?

Laga bilaabo Isniinta, macallimiinta iskuulada degmooyinka iyo kuwa charter-ka ayaa daah-furi doona qorshayaashoodii ahaa “waxbarasha aan fasallada la fadhiisanin” — “distance learning” — iyaga oo waxbaraya ardada K-12 ee guryaha jooga, iyada oo aan la fiirinaynin in carruurtaasi ay haystaan internet ama kumbuyuutar.

Qaabka ay u ekaan doonto “waxbarasha aan fasallada la fadhiisanin” waxay ku xidhnaan doontaa fasallada ay ardaydu dhigtaan, maadada, iskuulka iyo macallinka. Waxaa kale oo ay ku kala gadisnaan doonaan markii la fiiriyo dhaqaalaha ay qoysasku haystaan iyo awoodda iskuulada. Tusaale ahaan, arday kasta ma haysto internet, kumbuyuutarna guriga uma yaalo. Arday kastana kuma noola guri xasilloon.

Laakiinse barayaasha ayaa intii mudo ahba ku hawlanaa xaaladaha ay ku jiraan qoysaska dhibaataysan. In badan oo barayaasha ka mid ah ayaa wakhti badan galiyay maalmihii la soo dhaafay sidii ay carruurta ugula xidhiidhi lahaayeen talefoon ama e-mail. Macallimiintu waxay cashirro siinta ka doorbidayaan la xidhiidka ardada. Waxay kale oo ay isku taxallujinayaan in ardada ay ka caawiyaan baahidooda asaasiga ah, sida ilaalinta shucuurtooda iyo hab-dhaqankooda bulshadeed. Intaas kadib, macallimiin badan waxay xooga saarayaan in ay qaataan qorsha ah “wax yar baa tayo leh,” taas oon culays wayn saaraynin ardada iyo waalidiintaba.

3) Maxaa laga filayaa waalidiinta inta uu iskuulku xidhan yahay?

Barayaasha iyo madaxda gobolka ayaa carrabka ku adkeynaya in aysan muhiim ahayn in waalidiintu macallimiin u noqdaan carruurtooda.

“Waalidiinta iyo dadka carruurta mas’uulka ka ah kama codsanayno in carruurtooda ay macallimiin ugu noqdaan maadooyinka ay maalintii iksuulada ku baran lahaayeen. Arrintaasi wali waxaa mas’uul ka ah barayaasha,” Heather Mueller, ku xigeenka wasiirada waxbarashada, ayaa saas tidhi Khamiistii. “Siddeedii maalmood ee ugu danbaysay — iyo tababarkoodii oo dhanba — macallimiintu waxay isku diyaaranayeen shaqadan iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen in ardadoodu ay waxbarshada sii wataan.”

Iskuulada degmooyinka ayaa qorsheynaya in website-yadooda ay soo galiyaan qorsheyaashooda “waxbarasha aan fasallada la fadhiisanin” usbuucan ama ugu danbayn Isniinta.

4) Maxay tahay qorshaha iskuulada bixinya xannaanada carruurta?

Iskuulada ayaa wali laga rabaa in carruurta dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaada iyo shaqalaha gurmadka deg-dega ah ay u fidiyaan xannaano carruureed, cuntana ay siiyaan. Xannaanda carruurta ayaa ah mid ay iskuuladu bixinayeen ilaa Maaso 18-keedii, taas oo ahayd mid bilaash u ah waalidiinta ka shaqeeya waaxaha caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee muhiimka ah.

Iskuulo badan ayaa shaqo galiyay shaqaalahoodii shaqeyn jiray inta iskuulka uu billaabanin ka hor iyo markuu dhamaado kadib. Shaqaalahaas ayaa waxaa loo xilsaary in ay xannaaneeyaan carruurta. Wasaarada Waxbarshada Minnesota ayaa sheegaysa in kumannaan carruur ah ay ka faa’iidaysanayaan barnaamijyadaas.

Degmooyinka waxbarashada ayaa xannaanda carruurta siiya ardada dhigata fasallada K-5. Degmooyinka qaarkood ee leh barnaamijka tacliinta dhallaanka ee hore ayaa xannaano carruureed iyagana u fidinaya carruurta yar-yar ee iskuul-billowga ah (kindergarten).

5) Sidee ayay suurta-gal u noqon kartaa in iskuuladu u fuliyaan “waxbarasha aan fasallada la fadhiisanin” si caddaalad ah?

Gobolka Minnesota ayaa ka mid ah gobollada waxbarashada ardada caddaanka ah iyo kuwa aan caddaanka aheyn ay farqi weyn u kala dhaxeyso marka loo barbardhigo gobollada kale.

Waxaa macquul ah in aan aragno arrimahan oo kale in ay dhacaan: Sidee ayaa “waxbarasha aan fasallada la fadhiisanin” ay ugu suurta galeysaa ardada u bahaan kaalmada gaarka ah? Ardada aan laheyn guryo rasmi ah? Kuwa luuqada Ingiriiska baranaya? Ardada ay qoysaskoodu dhaqaalo ahaan ay liidatay inta aysan aafadan billaabanin? Ma laga yaabaa in ardada aan cadaanka aheyn ay saameyn weyn arintan ku yeelato?

Waxaa jira tusmooyin arimahaas la xidhiidha oo Wasaarada Waxbarshada Minnesota ay soo saartay, laakiinse waxaa jira arrimo intaas ka badan oo aanan halkan ku soo koobi karin.

6) Muxuu yahay qorshaha xaadirinta ardayda iyo imtaxaanada? Iskuuladu wali arimahaas miyay sameynayaan?

Macallimiinta ayaa laga rabaa in ay manhajka gobolka dhigaan, ardadana xaadiriyaan. Laakiin arrintaas ayaa gabi ahaanba hadda ah mid ka gadisan tii hore.

Wasaarada Waxbarshada ee gobalka ayaa macallimiinta ka rajeynaysa in ay xidhiidh joogto ah la lahaadaan ardada. Sidaas darteed, is-xaadirintu waxaa laga yaabaaay in ay noqoto macallinka oo ardayda su’aal waydiiya iyaguna ay uga jawaabaan.

Wasiirada Wasaaraada Waxbarashada Mary Cathryn Ricker ayaa soo jeedisay in is-xaadirintu hada ay tahay in ardaydu ay xidhiidh fiican la yeeshaan macalimiintooda, taas oo ka gadisan marki ay joogi jireen gudaha iskuulada.

In kasta oo laga yaabo in macallimiinta qaarkood ay qaadaan imtixaan qayb ka ah waxbaridooda, ayaa hadana Minnesota aysan qorshaha ugu jirin in ay qaado imtixaan guud oo ardada gobolka oo dhan laga qaadayo sida MCAs. Wasaarada Waxbarshada gobolka ayaa dowladda federaalka ka dalbanaysa in imtaxaanaadkaas, oo qayb ka ah waxyaabaha gobalka laga doonayo, laga cafiyo.

7) Imtixaanadii lagu gali jiray jaamacadaha wali ma la qaadayaa?

Shirkada ACT ayaa imtixaanki ay qaadi lahayd Abriil 4-teeda waxay dib ugu dhigtay Juun 13-keeda wadanka oo dhan. Shirkada SAT ayaa iyadana laashay qaar ka mid ah imtixaanadeedii, waxayna sheegtay in imitixaano dheeraad ah ay “sida ugu dhakhsaha badan” mustaqbalka u qaadi doonto.

8) Wali iskuuladu ardayda cunto miyay siinayaan?

Haa, iskuulada ayaa adeegsanaya qaabab ay carruurta cunto ku siinayaan. Iskuulada qaarkood ayaa qorsheeyay goobab ay ardadu isugu imaanayaan oo ay cuntada ka qaadanayaan kadibna ay guryahoodana ku cunayaan. Iskuulada qaarkood ayaa darawalada basaskooda shaqo galiyay si ay cuntada ugu geeyaan ardada u baahan.

Waxaa kale oo la sameeyay meelo cuntada lagu qeybiyo oo gobolka oo dhan ah. Goobahaas waxaad ka heli kartaa bar cusub oo la yiraahdo “Free Meals for Kids.”

9) Iskuuladu kaalmo ma u baahan yihiin?

Iskuulada ayaa leh qorshe u dajisan oo ay kula shaqenayaan hay’adaha kale ee ay jaalka yihiin iyo kuwo aan dawliga ahayn si ay u daboolaan baahida ardada.

Iskuulada Dadweynaha ee Minneapolis ayaa warmurtiyeed ay Arbacadii soo saareen dadka ku booriyay in aysan cunto ku deeqin. Laakiinse iskuulada qaarkood ayaa waxay dadka kula taliyeen in ay lacag ugu deeqaan hay’adaha maxaliga ah ee cunto-quudinta iyo kuwa aan dowliga aheyn kuwaas oo ku takhasusay taakuleynta iyo taageerida carruurta sida The Sheridan Story, ama Hunger Impact Partners ama  Second Harvest Heartland.

Hal dhibaato oo iskuulada soo wajahday ayaa ah sidii ay u bixin lahaayeen kharashka siyaadada ah, sida shaqaalaha haya carruurta ay dhaleen dadka ka shaqeeya  gargaarka deg-dega ah ama ardada u bahaan qalabo si ay uga qeyb qaataan “waxbarasha aan fasallada la fadhiisanin.” 

Qaar iskuulada ka mid ah ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin in xeer-dajiyayaashu aysan hadhow ansixinaynin lacagta kharashkaas ku baxday. 

This article has been translated into Somali by Mustafa Ibrahim, a Minnesota-based educator.

Avatar photo

Elizabeth Shockman

Elizabeth Shockman covers education for MPR News.