
ASSALAMU CALAYKUM,
Warsidaha toddobaadkan waxaa ka mid ah saddex (3) sheeko oo ku saabsan dimuquraadiyada iyo siyaasadda, waxbarashada iyo gaadiidka.
Dhamaadka, waxaan idiinn hayaa su’aalo aan jeclaan lahaa inaad iiga jawaabtaan, si aan idiin diyaariyo wargeyska ugu fiican toddobaadkasta.
Warsidka waad daawan kartaaa ama waad dagaysan kartaa.
Mahadsanid!
— C/risaaq Diis | Weriye oo la shaqeeya Sahan Journal iyo Somali TV
📺 DAAWO
🔊 DHAGEYSO
🔊 Sheekada 1aad: DIMUQURAADIYADDA IYO SIYAASADDA
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku imanaya Minneapolis bartamaha bisha 12aad.
🔊 Sheekada 2aad: WAXBARASHADA
Dugsiyada dadwaynaha ee magaalada St. Cloud ayaa bilaabaya in ardada wax ku bartaan luqada Soomaaliga iyo Ingiriiska.
🔊 Sheekada 3aad: GAADIIDKA
Waaxda gaadiidka Metro ayaa sheegay in ay joojinayaan adeega basaka ee meelaha qaar, iyaga oo sheegay in ay jirto darawal la’aan.
🔊 Dhageyso su’aalaha aan kuu heyo todobaadkan, adigana iisheeg su’aalaha aad ii hayso.
Sidee bay ardayda ka qalin jabinaysa dugsiga sare ugu diyaar garoobi karaan jaamacadda, iyo sidee bay ku heli karaan daqaalo ay iska bixiyaan kharashaadka jaamacadda?

Hadii aad ka heshay warsidahan, fadlan u la wadaag qoyskaaga iyo asxaabtaa. Koodkaan u dir, si fudud ayay isku qori karaan TANI WAA SU’AASHAYDA.