Wargeyskii November 14, 2022

ASSALAMU CALAYKUM,
Maanta waa November 14, 2022, waxaana idiin soo gudbinayaa wararkii ugu dambeeyay oo aan isugu keenay TANI WAA SU’AASHAYDA.
TANI WAA SU’AASHAYDA waa warside maqal ah oo isniinkasta soo baxa, oo loogu talagalay Somaalida ku nool Minnesota.
Toddobaadkan, waxaan idiin diyaariyay warar ku saabsan dimuqraadiyadda iyo siyaasadda, caafimaadka, waxbarashada, iyo ganacsigaa iyo shaqada.
Dhamaadka, waxaan kuu hayaa su’aalo aan jeclaan lahaa inaad iiga jawaabto, si aan kuugu diyaariyo wargeyska ugu fiican toddobaadkasta.
Warsidka waad daawan kartaaa ama waad dagaysan kartaa.
Mahadsanid!
— C/risaaq Diis | Weriye oo la shaqeeya Sahan Journal iyo Somali TV
📺 DAAWO
Sidee buu u saameeyay COVID-19 waxbarashada carruurtaada?
Todobaadkii tagay, waxaan ku marti qaadnay studiyaha Somali TV labo aqoon yahaan oo Soomaali ah oo wax ka dhiga ama maamula dugsiyada Minnesota.
Waxay kala ahaayeen Hibaaq Mohamed oo ah Maamule ku xigeen iskuulka Highland Park iyo Mohamed Raage oo ah Bare dhiga maadada ingiriiska.
Waxaan wax ka waydiinay su’aalo badan oo ku saabsan waxbarashada sida COVID-19 u saameeyay ardayda reer Minnesota gaar ahaan kuwa Soomaalida. 2dii sano ee ay dugsiyada xirnaayeen hoos u dhac wayn ayaa ku yimi tacliinta. Sidoo kale waxaa ay ka warameen sida waalidiinta Soomaalida ilmahooda u caawin karaa.
Talooyinkoodana waxaa ka mid ahaa:
- In caruurta laga dhiso xaga akhrinta, si taasi loo helo waalidku waa in ilmahiisa kaashadaa macalimiinta iskuulka ilmaha dhigto iyo maktabadaha dadwaynaha.
- In waalidku ilmahiisu ku dhiiragaliyo in uu buugaag akhriyo kadibna ka codsado in uu u sheego waxa uu akhriyay.
- In waalidku ilmahiisa u iibiyo appapka waxbarashada sida IXL si ilmaha sare ugu qaado aqoontiisa akhrinta iyo xisaabta.
- Hadii waalidka aad looga soo waco iskuulka oo ku saabsan habdhaqanka ilmaha, waa astaan tusinaysa in waxbarashada ilmahaagu hoosayso sidaa darteed uu mashquulinayo macalimiinta.
- Ugu danbayn waxaa ay kula taliyeen waalidiinta in ay qayb ka noqdaan go’aamada iskuulka ilmahooda iyaga oo xaadiraya kulamada joogtada ah lana xisaabtamaan macalimiinta.
📺 DAAWO
📺 DHAGEYSO
🔊 Sheekada 1aad: SIYAASADDA
Codbixiyayaasha reer Minnesota waxay u codeeyeen golaha sharci dejinta ugu kala duwanaashaha badan kadib guulo taariikhi ah.
🔊 Sheekada 2aad: CAAFIMAAD
‘Maskax hoosaysa’ waxay noqotay ‘maskax gaar ah’: Soomaalida reer Minnesota waxay eray bixin u sameeyeen autismka si bulshadda u aqbasho.
🔊 Sheekada 3aad: WAXBARASHO
Dugsi hoose oo ku yaala waqooyiga Minneapolis ayaa daah furay goob laga eego hawada sare iyagoo caawimaad ka helay NASA.
🔊 Sheekada 4aad: SIYAASADDA
Mallka Asia wuxuu qorshaynayaa in la daah furo bishaan kadib dib u dhac ku yimi daahfurkii xagaaga.
🔊 Dhageyso su’aalaha aan kuu heyo todobaadkan, adigana iisheeg su’aalaha aad ii hayso.
Sidee bay ardayda ka qalin jabinaysa dugsiga sare ugu diyaar garoobi karaan jaamacadda, iyo sidee bay ku heli karaan daqaalo ay iska bixiyaan kharashaadka jaamacadda?

Hadii aad ka heshay warsidahan, fadlan u la wadaag qoyskaaga iyo asxaabtaa. Koodkaan u dir, si fudud ayay isku qori karaan TANI WAA SU’AASHAYDA.