A shopper wearing a mask and using an umbrella leaves the St. Louis Park Costco hours after Gov. Tim Walz gave a stay-at-home order on Wednesday. The order, intended to slow the spread of COVID-19 across the state and minimize its impacts, is a dramatic step that requires people to stay home unless absolutely necessary. Credit: Evan Frost | MPR News

Maqaalkan ku akhri luuqadaha EnglishSpanish, ama Hmong.

Amarka bandawga ee uu soo saaray Badhasaabka Gobolka Minnesota, ee ulajeedadeedu tahay in lagu hakiyo in cudurka COVID-19 uu ku sii fido dhammaan gobolka oo dhan, laguna yareeyo saamayntiisa guud ahaan, ayaa ah tallaabo adag oo dadka ku amraysa in ay guryahooda joogaan haddii aysan jirin wax aad iyo aad muhiim u ah oo ay guryaha kaga bixi karaan.

Tallaabadan adag ayaa saameyn wayn ku yeelan doonta nolosha dadka reer Minnesota oo dhan, taas oo badali doonta habka ay u shaqeeyaan, damaashaadaan, wax u bartaan iyo dhammaan hab noolal-maalmeedkooda oo dhan.

Laakiinse, arintani nuxurkeedu muxuu yahay, markii aan waaqica u soo daadagno?

Haddii aad wax su’aal ah ka qabtid sidii ay arintani u saameynayso noloshaada, nala wadaag. Maqaalkan waxaan ku dari doonaa jawaabo ku saabsan su’aalihiina.

Goorma ayuu dhaqan galayaa amarka guri ku nagaanshaha ah ama bandawgu?

Amarkan wuxuu dhaqan galayaa habeen-badhka maalinta Jimcaha ee bisha Maarso 27-eeda. Wuxuuna dhammaanayaa Jimcaha, bisha Abriil 10-keeda, 5-ta galabnimo.

Haddaba…maxaa la ii ogolyahay in aan sameeyo?

Waxyaabo badan. Reer Minnesota waxaa loo ogolyahay in ay sameeyaan waxyaabo badan oo guryahooda ka baxsan, inta ay raacayaan talooyinkii la xidhiidhay kala durug-sanaanshaha dadka oo ah illaa iyo lix taako.

Soo gado “alaabaha iyo khidmooyinka daruuriga ah.” Haddii aad adeeg u baahan tahay, waad soo gadan kartaa. Kuwaas waxaa ka mid ah cuntada (dukaamada cuntada iyo in cunto gurigaaga laguugu keeno ama aad makhaayad ka soo qaadato), cabitaanka (oo ay ku jiraan khamrada; dukaamada khamrada lagu iibiyo amarka xidhitaanka kuma jiraan), shidaal, waxyaabaha kuu sahlaya in aad gurigaaga ka shaqeyso, iyo waxyaabaha aad u bahaan tahay in aad gurigaaga ku nadiifisid kuna dayac tirtid, baabuurta, baaskiilada iyo ganacsiga. Madaxda gobolka ayaa dadwaynaha ka codsanaya in ay maankooda isticmaalaan oo ay soo iibsadaan alaabta ay u baahan yihiin oo kaliya. Waxaa kale ood samayn kartaa in aad dharka u gaysatid doobiile.

Helitaanka daryeel caafimaad. Haddii aad u baahan tahay daryeel caafimaad oo deg-deg ah, dabcan waa laguu ogal yahay in aad gurigaaga ka baxdo. Waxaa kale oo aad gurigaaga kaga bixi kartaa haddii aad u baahan tahay gargaar caafimaad sida agab caafimaad ama daawooyin — ama in aad rug caafimaad ama daryeel dhinaca ilkaha ah hesho. Waxaa kale oo aad gurigaaga kaga bixi kartaa haddii aad rabto in aad aado dhakhtarka xoolaha iyo xayawaanka guri-joogtada ah. Waxaa kale oo aad u bixi kartaa haddii aad doonayso in aad dhiig ku deeqdo.

Daryeelka dadka kale. Waxaa banaanka uga bixi kartaa in aad daryeesho qof qoyskiina ah, saaxiib, ama xayawaan carbisan oo guri kale jooga, ama haddii aad iyaga gaadiid ku qaadayso. Amarkani wuxuu si aad ah u qeexayaa sababaha guriga looga bixi karo in ay ka mid tahay haddii ay jiraan “wakhti waalidka u astaysan in ay caruurtooda daryeelaan ama ay u baxaan ballamo booqasho oo la xadhiidha caruurta u baahan in la bad-baadiyo.” 

Haddii aad ka cararaysid xaalad amaan-darro ah. Waxaad u guuri kartaa guri kale haddii hoygaagu uusan amaan ahayn, ama haddii aad ku jirto xaalad ammaan darro ah. Amarka badhasaabku waxaa si khaas ah ugu jirtay kuwa “dhibaato ay haysato ama khatar ugu jira in dadka is-qaba ay is dhibaateeyaan.” Dadka aan hoyga lahayn amarka badhasaabku ma qabanayo, waxaana loo ogol yahay in ay isaga gooshaan meelaha loo hoydo xaaladu markay adag tahay, xarumaha la iska tago iyo degsiimooyinka dadka guryaha aan haysanin.

Amarku wuxuu mamnuucayaa “barakicinta ama burburinta” degsiimooyinka ay daganyihiin dadka aan haysanin hoy, isaga oo in taas ku daray in arrintaasi ay sii xoojinayso faafitaanka koronafayras-ka.

Wadan ku soo noqosho. Amarkan wuxuu dadka u ogol yahay in ay gobolka dhexdiisa ku safraan, ama golobka dibadiisa ay aadan, markay u baxayaan hawlo la ogal yahay, ayna guryahooda ku soo noqon karaan.

Gaadhi wadid. Amarkan ayaa dadka u ogolaanaya in ay “gawaadhidooda u wataan si tamash la ah.” Waxaa kale oo ay dadku aadi karaan jardiinooyinka dad-weynaha iyo meelaha kale ee furan, inta ay dadku kala durug sanyihiin illaa lix taako.

U kala safarka dhulka qabaa’ilada. Amarka xannibaada ee badhasaab Walz waxaa aysan qabanaynin meelaha ay dagan yihiin dadka asalka ah ee reer Minnesota, dhulka dawladu ay leedahay iyo isu socodka ku salaysan axdiga xuduudaha gobolka. Dhawr shucuub oo ah kuwo wadankan asalka u leh ayaa mar horaba xanibaad ku soo rogay qabaa’iladooda. Tusaale ahaan, qabiilka Red Lake Nation ayaa bandaw ku soo rogay meelaha ay dadkooda degan yihiin, kaas oo xannibaya isu socodka dadka inta u dhaxaysa 10-ka habeenimo ilaa 6-da subaxnimo. Amarka Walz ayaa u ogolaanaya qabaa’ilada in ay dhaxdooda isu safraan.

Banaanka ma u bixi karaa?

Haa! Daka waxaa lagu boorinayaa in ay banaanka u baxaan. Badhasaab Walz markii uu ku dhawaaqay amarka bandawga wuxuu aad u adkeeyay in luga-baxsashadu ay tahay “arin fiican,” hawada nadiifta ah ee la qaadanayana ay muhiim u tahay caafimaadka jidhka iyo maskaxda.

Laakiinse Badhasaab Walz wuxuu ka digay in “arintan laga feejignaado.” Dadku waa in ay kala durug-sanyihiin illaa lix taako, ayna raacaan talaabooyinkii hadda ka hor la soo jeediyay sida: afka oo la daboolo marka la qufacayo, gacmaha oo la dhaqo iyo in si fiican loo tirtiro meelaha inta badan la taabto.

Waaxda Jardiinooyinka ee magaalda Duluth ayaa soo saartay qaab tusme ah oo tafaasiil ka bixinaya inta ay la egtahay lix taako

Waxyaabaha la ogol yahay waxaa ka mid ah: Socodka, socod-kaymoodka, wadida baaskiilada, iyo wadida gawaadhida ee tamashleynta loogu tala galay, ugaadhsiga iyo kaluumaysiga.

Dadka ayaa waxaa kale oo loo ogol yahay in ay aadaan jardiinooyinka iyo bannaanada caamka ah ee furan. Amarku wuxuu sheegayaa in xafladaha iyo isu-imaatinka lagu qabanayo meelaha caamka ah ay wali sii ahaadaan kuwo aan hadda la qaban karin.

Shaqo ma aadi karaa?

Taasi waxay ku xidhan tahay nooca shaqada.

Usbuucyo badan ayaa madaxda gobolku waxay dadka ku boorinayeen in ay guryahooda ka shaqeeyaan haddii ay awoodi karaan. Amarkan ayaa dalabkaas ka dhigaya mid rasmi ah: “Dhammaan shaqaalaha ka shaqeyn kara guryahooda waa in ay saa sameeyaan.”

Shaqaalaha ka shaqeeya “waaxyada muhiimka ah” oo aan guryahooda ka shaqeyn karin waa loo ogol yahay in ay guryahooda ka baxaan oo ay u kala socdaalaan guryahooda iyo xarumahooda shaqada. Waxaa kale oo loo ogol yahay in ay caruurtooda gaystaan xanaanada caruurta.

Wasiirka Wasaaradda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Minnesota (DEED) Steve Grove ayaa sheegay in shaqooyinka gobolka 78 boqolkiiba ay yihiin “waaxyo muhiim ah,” taas oo si ku meel gaadh ah aan loo xidhaynin. Wasaaradda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa isku dubaridday liiska shaqooyinka laga soo reebay amarka xanibaada isku socodka. Amarka ayaa taxaya ilaa dhawr iyo toban waaxood oo lagu sheegay in ay yihiin muhiim, kuwaas oo ay ku jiraan:
  

  • Dayreelka caafimaadka iyo caafimaadka guud
  • Sharci fuliyayaasha, amaanka guud iyo gurmadka deg-dega ah 
  • Xanaanada caruurta 
  • Gaadiidka, oo ay ku jiran shaqaalaha gaadiidka dadweynaha
  • Dhismaha iyo ganacsiga muhiimka ah, kuwaas oo ay ku jiraan xirfadlayda muhiim ka ah sida koronto yaqaannada, shaqaalaha tuubooyinka, iyo kuwa nadiifiya dhismayaasha ganacsiga iyo kuwa dowladda
  • Cunnada iyo beeraha
  • Biyaha iyo biyaha la isticmaalay
  • Warshadaha muhiimka ah kuwaas oo ay ku jiraan macdan baadhidda iyo shaqooyinka la xidhiidha

Haddii aad qabto su’aal ku saabsan in ganacsigaagu ama shaqadaadu in ay tahay mid “muhiim ah” iyo in kale, waxaad la xidhiidhi kartaa shaqaalaha horumarinta dhaqaalaha ee gobolka: criticalsectors@state.mn.us

Caruurtaydu iskuul ma aadi karaan?

Walz ayaa badhtamihii Maarso soo saaray amar uu ku xidhayo iskuulada laga bilaabo Maaro 18-keeda ilaa Maarso 27-deeda.

“Wakhtigan ayaa iskuulada degmooyinka u saamaxaya in ay la qabsadaan, isuna diyaariyaan waxbarshada aan fasalada la fadhiisanin iyo in aan samayno waxyaabo aan u baahan nahay oo dhinacyo badan taabanaya markii aan qaadano go’aan kan oo kale ah,” sidaas ayuu markaas yidhi.

Illaa intaa ka dib, degmooyinka waxbarashada iyo waalidiintuba waxay la jaan-qaadeen is badalkan, iyaga oo isku dayaya sidii ay u heli lahaayeen qaabab casri ah oo lagu dabooli karo baahida ardada ee dhinacyada cuntada, waxbarshada iyo daryeelka kalaba.

Iskuulada ayaa qorshaysnaa in ay bilaabaan waxbarshada aan fasalada la tagin laga bilaabo Isniinta, Maarso 30-keeda. Markii uu Walz soo rogay go’aanka bandawga ah, wuxuu kaloo sii kordhiyay xidhitaanka iksuulada ilaa Maajo 4-teeda.

Haddaba, bisha Abriil iyo waxogaa ka dib, ayaa iskuulada Minnesota ay xidhnaan doonaan oo ardada aysan iman doonin, laakiinse “waa in ay iskuuladu waxbarashadii ay sii wadaan.” Iskuulada ayaa laga rabaa in ay shaqaalahooda u ogolaadaan in ay guryahooda ka shaqeeyaan.

Sidee arrintan lagu hirgalinayaa (haddii ay suurtagal noqotaba)?

Sida uu amarkan sheegayo, qof walba oo si ula kac ah xannibaadan ku xad gudba, waxaa laga yaabaa in lagu ganaaxo ilaa $1,000 ama 90 maalmood oo xabsi ah

Si kastaba ha ahaatee, Badhasaab Walz ayaa reer Minnesota ku booriyay in si iskood ah ay amarkan ugu hoggaansamaan. Haddii uu qof arrintan ku xad gudbo, Walz wuxuu yidhi, “ma rabno in aan qofna xidhno. Waxaana doonaynaa in aan wacyi galino. Tani waa mid bulshada laga rabo in ay iskeed u fuliso.”

In kasta oo ay dowladdu awood u leedahay in ay qof xidho, Walz wuxuu yidhi, “Ma danaynayno in aan saas sameyno.”

Sidee ayuu amarakni uga duwan yahay kuwii hadda ka hor la soo saaray? 

Walz ayaa hadda ka hor soo saaray dhawr amar ilaa iyo horaantii Maarso, amaradaas oo dhammanatood looga dan lahaa in reer Minnesota aysan meelo wadar ahaan isku kulmin, taas oo laga yaabo in ay cudurka u sahasho in uu sii faafo.

Ilaa iyo hadda, baararka iyo maqaaxiyaha ayaa khidmadooda u badalay cunto-qaadasho oo kaliya. Ganacsiga ay dadka oo dhan tagi karaan sida meelaha lagu jimicsado, xarumaha caafimaadka, meelaha maaweelada, matxafyada, meelaha kale ee lagu ciyaaro — iyo kuwa ay dadku isu dhadhawaan karaan marka khidmada la qabanayo, sida meelaha timaha lagu hagaajiyo iyo meelaha jidhka lagu xardho — ayaa horayba loo xidhay.

Amarkaas oo markii hore ay ahayd in uu wakhtigiisu dhammaado Maarso 27-deeda, ayaa la sii kordhiyay oo laga dhigay ilaa Maajo 1-deeda.

Gaadiidka dadweynaha ma la raaci doonaa?

Haa, shaqaalaha gaadiidka dadweynaha ayaa ah kuwo muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee, in badan ayaa wakhtigoodii shaqo dhimay. Tusaale ahaan, shirkada Metro Trasit ee Magaalooyinkan Mataanaha ah ayaa shaqadoodii maalin laha ahayd dhimay si loo hakiyo faafida koronafayras-ka.

Dhawr hay’adood oo kuwa gaadiidka dadwaynaha ah ayaa waxay hirgaliyeen in gawaadhida dhinaca danbe laga soo galo si loo xadido is dhax galka dhinaca darawalada iyo rakaabka. Qaar kale, sida basaska ka dhax shaqeeya Fargo-Moorhead, ayaa dadku bilaash ku raaci karaan xiliga uu socdo cudurkan aafada ah. 

This article has been translated into Somali by Mustafa Ibrahim, a Minnesota-based educator.

Sahan Journal is a nonprofit digital newsroom dedicated to reporting for immigrants and communities of color in Minnesota. Our diverse staff creates exceptional journalism: coverage that truly represents...