
ASSALAMU CALAYKUM,
Maanta waa Noofambar 28, 2022, waxaana idiin soo gudbinayaa wararkii ugu dambeeyay oo aan isugu keenay TANI WAA SU’AASHAYDA.
TANI WAA SU’AASHAYDA waa warside maqal ah oo isniinkasta soo baxa, oo loogu talagalay Somaalida ku nool Minnesota.
Warsidaha toddobaadkan waxaa ka mid ah saddex (3) sheeko oo ku saabsan iibsashada guryaha, iyo dhaqanka iyo hormarinta bulshada.
Dhamaadka, waxaan idiinn hayaa su’aalo aan jeclaan lahaa inaad iiga jawaabtaan, si aan idiin diyaariyo wargeyska ugu fiican toddobaadkasta.
Warsidka waad daawan kartaaa ama waad dagaysan kartaa.
Mahadsanid!
— C/risaaq Diis | Weriye oo la shaqeeya Sahan Journal iyo Somali TV
📺 DAAWO
🔊 DHAGEYSO
🔊 Sheekada 1aad: IIBSASHADA GURYAHA
Ganacsatada iibinta guryaha waxay Soomalida ka iibiyaan guryo si dhaqso ah guriga lagu lahaanayo. Haseyeeshee waxay khatar ugu jiraan in ay wax walbo lumiyaan.
🔊 Sheekada 2aad: DHAQANKA IYO HORMARINTA BULSHADDA
Helida qubuuro Muslimiinta ay leeyihiin ayaa ka gudbay caqabado badan oo hortaagnaa furitaanka qubuuraha. Sideedda sano la soo dhaafay, waxaa socotay dood xagga sharciga ah iyo burbur loo gaystay dhismaha.
🔊 Sheekada 3aad: DHAQANKA IYO HORMARINTA BULSHADDA
Magaalada Barron oo ku taal Gobolka Wisconsin, Soomaalida degan ayaa ka laabteen codsi ay ku doonayeen in loo ogolaado in aadaanka sare loo qaadi karo.
🔊 Dhageyso su’aalaha aan kuu heyo todobaadkan, adigana iisheeg su’aalaha aad ii hayso.
Sidee bay ardayda ka qalin jabinaysa dugsiga sare ugu diyaar garoobi karaan jaamacadda, iyo sidee bay ku heli karaan daqaalo ay iska bixiyaan kharashaadka jaamacadda?

Hadii aad ka heshay warsidahan, fadlan u la wadaag qoyskaaga iyo asxaabtaa. Koodkaan u dir, si fudud ayay isku qori karaan TANI WAA SU’AASHAYDA.