Wargeyskii November 7, 2022

ASSALAMU CALAYKUM,
Maanta waa November 7, 2022, waxaana idiin soo gudbinayaa wararkii ugu dambeeyay oo aan isugu keenay TANI WAA SU’AASHAYDA.
TANI WAA SU’AASHAYDA waa warside maqal ah oo isniinkasta soo baxa, oo loogu talagalay Somaalida ku nool Minnesota.
Warsidaha toddobaadkan waxaa ka mid ah afar (4) sheeko oo ku saabsan siyaasadda, ganacsiga iyo shaqada, iyo caafimaadka.
Dhamaadka, waxaan kuu hayaa su’aalo aan jeclaan lahaa inaad iiga jawaabto, si aan kuugu diyaariyo wargeyska ugu fiican toddobaadkasta.
Warsidka waad daawan kartaaa ama waad dagaysan kartaa.
Mahadsanid!
— C/risaaq Diis | Weriye oo la shaqeeya Sahan Journal iyo Somali TV
📺 DAAWO
Maxay ahayd natiijadii doorashada 2022 ee Minnesota?
🔊 DHAGEYSO
🔊 Sheekada 1aad: SIYAASADDA
Maalinta doorashadu waa Talaado, Noofambar 8. Waa kuwan waxaad u baahan tahay inaad ogaato si aad uga codayso Minnesota.
🔊 Sheekada 2aad: SIYAASADDA
Musharixiinta Xeer ilaaliyaha Degmada Hennepin ayaa ku baaqaya in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka cadaalada dambiyada, laakiin waxay iskaga soo horjeedaan sida loola xisaabtamayo booliiska.
🔊 Sheekada 3aad: GANACSIGA IYO SHAQADA
Shaqaalaha Amazon ayaa mudaaharaad ka dhigay bakhaarka Eagan sababtoo ah xiligii ay shaqaynayeen ayaa gabi ahaanba la joojiyay.
🔊 Sheekada 4aad: CAAFIMAAD
Sidee buu COVID-19 u saameeyaa dadka madowga iyo Laatiinoga? Mashruuc lagu ogaanayo saamaynta maskaxda oo cusub ayay Jaamacadda Minnesota hogaaminaysaa.
🔊 Dhageyso su’aalaha aan kuu heyo todobaadkan, adigana iisheeg su’aalaha aad ii hayso.
Sideed u aragtaa saamaynta uu COVID-19 ku yeeshay waxbarashada carruurtaada? Fariin waxaad igu soo diri kartaa 651-504-8170.

Hadii aad ka heshay warsidahan, fadlan u la wadaag qoyskaaga iyo asxaabtaa. Koodkaan u dir, si fudud ayay isku qori karaan TANI WAA SU’AASHAYDA.