Wargeyskii November 21, 2022

ASSALAMU CALAYKUM,
Maanta waa Noofambar 21, 2022, waxaana idiin soo gudbinayaa wararkii ugu dambeeyay oo aan isugu keenay TANI WAA SU’AASHAYDA.
TANI WAA SU’AASHAYDA waa warside maqal ah oo isniinkasta soo baxa, oo loogu talagalay Somaalida ku nool Minnesota.
Warsidaha toddobaadkan waxaa ka mid ah saddex (3) sheeko oo ku saabsan caafimaadka, waxabarashada iyo dambiyada.
Dhamaadka, waxaan kuu hayaa su’aalo aan jeclaan lahaa inaad iiga jawaabto, si aan kuugu diyaariyo wargeyska ugu fiican toddobaadkasta.
Warsidka waad daawan kartaaa ama waad dagaysan kartaa.
Mahadsanid!
— C/risaaq Diis | Weriye oo la shaqeeya Sahan Journal iyo Somali TV
📺 DAAWO
🔊 DHAGEYSO
🔊 Sheekada 1aad: WAXBARASHO
Dugsiyada Minnesota waa inay ardayda siiyaan cunto isku mid ah, xataa haddii dayn qado lagu leeyahay, ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Guud Keith Ellison.
🔊 Sheekada 2aad: CAAFIMAAD
Bukaannada midabka ah waxay u dhexeeyaan xaalado nolol iyo geeri ah iyagoo raadinaya dad ku deeqa bixinta dhuuxa lafta oo noocyo kala duwan leh.
🔊 Sheekada 3aad: DAMBIYADA
Xaaladaha dambiyada nacaybka ayaa ku soo badanaya Minnesota, laakiin way adag tahay in la caddeeyo cunsuriyada.
🔊 Dhageyso su’aalaha aan kuu heyo todobaadkan, adigana iisheeg su’aalaha aad ii hayso.
Sidee bay ardayda ka qalin jabinaysa dugsiga sare ugu diyaar garoobi karaan jaamacadda, iyo sidee bay ku heli karaan daqaalo ay iska bixiyaan kharashaadka jaamacadda?

Hadii aad ka heshay warsidahan, fadlan u la wadaag qoyskaaga iyo asxaabtaa. Koodkaan u dir, si fudud ayay isku qori karaan TANI WAA SU’AASHAYDA.