
ASSALAMU CALAYKUM,
Todobaadkan warbixinada aan iddin hayno waxaa ka mid ah:
- Madaxwaynaha Soomaaliya oo booqasho ku yimi Minneapolis Soomaali badana kula hadlay xarunta shirarka ee Minneapolis.
- Sheekada cuno-kariyaha Soomaliga ah Jamal Xaashi oo lagu daray taxanaha Apple TV+.
- Nin Soomaali ah oo furay shabakad isku xirta shaqadoonka iyo loo shaqeeyayaasha.
- Qoysaska Soomaaliyeed ayaa ka doodaya sharciga cusub ee dadka jinsigooda badalay.
Warsidka waad daawan kartaaa ama waad dagaysan kartaa.
Mahadsanid!
— C/risaaq Diis | Weriye oo la shaqeeya Sahan Journal iyo Somali TV
📺 DAAWO
Qoysaska Soomaaliyeed ayaa ka doodaya sharciga cusub ee dadka jinsigooda badalay
🔊 DHAGEYSO
🔊 Sheekada 1aad: DIMUQURAADIYADA IYO SIYAASADDA
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa amaanay Soomaalida khudbad uu ka jeediyay Minneapolis, wuxuuna wacad ku maray in uu la dagaalamoyo argagixiso diimeedka.
🔊 Sheekada 2aad: DHAQANKA IYO BULSHADA
Xidigaha Soomaalida Minnesota ayaa ku jira musalsalka Apple TV+ oo ku salaysan cuno kariye maxali ah oo sameeyay Hilib geeli la dubay oo qori ku jira.
🔊 Sheekada 3aad: GANACSIGA IYO SHAQADA
Shabakad laga leeyahay Magaalooyinka Mataanaha ah ayaa doonaysa in ay dadka soo galootiga ah iyo loo shaqeeyayaasha isku xirto.

Hadii aad ka heshay warsidahan, fadlan u la wadaag qoyskaaga iyo asxaabtaa. Koodkaan u dir, si fudud ayay isku qori karaan TANI WAA SU’AASHAYDA.