
ASSALAMU CALAYKUM,
Maanta oo ay taariikhdu tahay 12ka December 2022, waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa wararkii ugu danbeeyay ee barnaamijka ‘Tani Waa Su’aashayda’.
Waa warside maqal ah oo si gaar ah u soo xigta arrimaha quseeya Soomaalida ku nool Minnesota.
Waxaan todobaadkan idiin hayaa afar warbixin oo ku saabsan waxbarashada, daryeelka caafimaadka, siyaasadda, iyo warbixino kale.
Fikirkaaga, su’aalahaada, iyo xogaha aad hayso waxaad noogu soo gudbisaa fariin qoraal ah nambarkaan: 651-504-8170.
Warsidka waad daawan kartaaa ama waad dagaysan kartaa.
Mahadsanid!
— C/risaaq Diis | Weriye oo la shaqeeya Sahan Journal iyo Somali TV
📺 DAAWO
🔊 DHAGEYSO
🔊 Sheekada 1aad: CAAFIMAADKA
Qoysaska Soomaaliyeed iyo dhaqaatiirta ayaa isku haya yaraanta caruurta qaadatay talaalka jadeecada xili xanuunkaasi uu faafayo.
🔊 Sheekada 2aad: WAXBARASHADA
Ardada dhigata Kolegyada bulshada ayaa la daalaa-dhacaya sicir barar.
🔊 Sheekada 3aad: DIMUQURAADIYADDA IYO SIYAASADDA
Dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa ku baaqaya in la ansixiyo sharci u fasaxaya dadka aan sharciga haysan in ay qaataan ruqsada darawalnimada.
🔊 Sheekada 4aad: WARARKA CAALAMKA
Abaaraha ayaa dhibaato ba’an ku haya dumarka Soomaaliyeed ee uurka leh oo ay ku jirto maalmo badan oo gaajo ah.
🔊 Dhageyso su’aalaha aan kuu heyo todobaadkan, adigana iisheeg su’aalaha aad ii hayso.
Sidee bay ardayda ka qalin jabinaysa dugsiga sare ugu diyaar garoobi karaan jaamacadda, iyo sidee bay ku heli karaan daqaalo ay iska bixiyaan kharashaadka jaamacadda?

Hadii aad ka heshay warsidahan, fadlan u la wadaag qoyskaaga iyo asxaabtaa. Koodkaan u dir, si fudud ayay isku qori karaan TANI WAA SU’AASHAYDA.