Warqad furan oo ka socota muwaadin Norwiijiyaan ah kuna socota madaxda Soomaalida ee aduunka taxaashta

President Hassan Sheikh Mohamud inside Villa Somalia on April 19, 2013. [AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.]

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud oo jooga aqalka madaxtooyada Villa Somalia. [AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.]

Waxaa turjumay Maxamed Haaruun.

Kalmadda turjumaha: Warqaddani waxa ay xambaarsantahay farriin culus. In kasta oo waayaha ay ka hadlaysaa aanay ahayn kuwo qofnaba ka qarsoon, hadana si aad u gun fog ayay u taabanaysaa damiirka hoose ee qof kasta oo Soomaali ah. Aniga malahayga, sababtu waxa ay tahay ereyada farriinta lagu gudbinaayo, cidda fariintan soo gudbinaysa oo aan Soomaali ahayn, iyo xiliga lagu beegay farriinta ayaa intuba macno iyo muhiimad gooni ah u yeelayaan. In kasta oo qoruhu uu masuuliyiinta qaarkood magac-dhebay, hadana run ahaantii waa farriin khusaysa masuuliyiinta Soomaalida gabi ahantood, meel kasta oo ay joogaan iyo magac kasta oo ay sheegtaanba. Waa halkii Qamaan Bulxane, “Diirka iyo laftuu xulay, haduu hadal wax daawayn.”

Isla xiliga Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynaha Soomaaliya, iyo ragiisu ay waddamada dibadda safarro ku galaa-baxayaan, oo ay ku baxayaan wakhti iyo dhaqaale xoogan oo wax intaas dhaama ay ku isticmaali lahaayeen, kumanaan dadkooda ka mid ah ayaa iyaguna geesta kale ku jira safarro nooc kale ah oo halis badan.

Kumanaan ayaa soo gala safarro dhaadheer oo qaata bilo, amaba sanado, iyaga oo halis u badheedha, mararka qaarkoodna holaca saxaraha amaba badaha waaweyn kuba naf waaya. Dhalin iyo waayeel ayaa dhexda ku soo dhinta, qaarna safarka dhexdiisa ayayba ku soo dhashaan. Waxaa jira qulqul dad oo joogto ah, kuwaas oo ka soo yaacaya wadan uu jiho-wareer ka taagnaa labaatan iyo siyaado sano. Waa wadan Afrikaan ah oo xiliyada qaarkood ahaa mid la majeerto; waa wadan leh khayraad badan oo dabiici ah, dad-yaraani na aanay haysanin.

Halka masuuliyiinta dawladda Soomaaliya badankoodu ay ku safraan baasaaboorro laga leeyahay wadamo ajnabi ah, tahriibayaasha nasiibka darani iyagu ma haystaan dokumentiyo noocaas oo kale ah – baasaaboorka Soomaaliga ahina xiligan la joogo faa’iido sidaas ah meelnaba ma ka laha.

Soomaliya waxa ugu badan ee ay banaanka u dhoofisaa waa dad, kuwaas oo ah dad aad u d’a yar oo noqon lahaa mustaqbalkii waddanka, iyo waayeel door-bidi lahaa in ay ku sugnaadaan ciidooda.

Waalidiin tahriib mooyee aanay u muuqanin waddo kale oo ubadkoodu ay ku heli karaan nolol macquul ah, dabcan waaba hadii ay badbaadaane, ayaa soo gala safarro halis badan, si ay uga fakadaan duruufaha ka jira Soomaaliya. Qaarkood waa ay nasiib badanyihiin, waxa ay na soo gaadhan wadamo tacliin iyo shaqo-ba ay ka heli karaan, kuwo kale oo aad u badanina waxa ay ku dhacaan wadamo aan koodii wax sidaas ah ku dhaamin.

In badan oo ka mid ah Soomaalida xilliyadan soo gaadhaaya wadamada Galbeedku ma u diyaarsana sidii ay kula qabsan lahaayeen dhulalka ay yimaadeen – badankoodu wax ma qoraan mana akhriyaan, iyaga oo waxbarasho aan soo marin, khibrado shaqo oo halkan ka anfacaaya ma laha, caqabado badan oo luuqaddu ka mid tahay ayaana haysta.

Ka dib wax ku dhaw sodomeeyo sano oo aan Soomaalida la shaqaynaayay, oo aan fahmay xaaladooda, dhinaca waqooyi ee wadanka na safarro joogto ah ku tagay, waxa aan walwal ka qabaa mustaqbalka dadka Soomaaliyeed, oo ay xataa ku jiraan, “kuwa nasiibka badan” ee ay u suurowday in ay ka soo yaacaan xaaladda fawdada ah ee Soomaaliya badankeeda ka jirta.

Miyay dadka masuuliyadda haya – wasiiradda, sharci-dajiyayaasha, hogaamiyayaasha diinta – habeen-na u hurdo-seegin rafaadka haysta kumanaanka, iyo malaayiinta sida tartiibta ah uga soo qulqulaayay wadanka Soomaaliya tobanaankii sano ee la soo dhaafay, wali na ka qulqulaaya darteed, abuurnayna waxa haatan loo yaqaano Qurbejoogga?

Badiba qolyihiina masuuliyiinta dawladda ahi waxa aad ku noolaydeen qurbaha, dhalasho wadamo kale ayaa aad haysataan, qoysaskiinii in ayba weli dibadaha ku dhaqanyihiin ayaa suurowda, caruurtiinuna ma ku jiraan kuwa nolol-raadiska ah ee nafahooda halista u galinaaya si ay debedda ugu baxaan. Waxa suurowda in aad ka mid tahay qolyaha fursadda u helay in ay debedaha u baxaan; ee xataa wadankooda na fursadda ku haysta. Waxa intaas kuu dheer, hadiiba sii joogitaanka wadanku uu adkaado, mar kale ayaa aad dib isaga soo laaban kartaa.

Bal wax yar ka fikir xaaladda ay ku suganyihiin kuwa uu ku adkaaday la qabsiga wadamada ay u yaaceen, shaqo-la’aantu hayso, ee murugaysan, ee qalbi-jabka iyo boholyowgu uu hayo.

Ka dib labaatan iyo shan sano oo Soomaalidu ay wadankan (Norway) ku dhaqnayd, waxa ay ilaa hadda ku jiraan kuwa ugu hooseeya marka ay timaaddo dhinaca shaqadda, tacliinta iyo guud ahaan ba maqaamka bulshada ay ku leeyihiin. Jiilasha labaad iyo saddexaad ee Soomaalida Norway ayaa xaaladoodu sidii hore dhaantaa, waxaase ka sii lumaaya xidhiidhkii ay Soomaaliya la lahaayeen. Waxa ay qayb ka yihiin maskaxaha soo qulqulay, mustaqbalkoodana halkan ayaa ay ku dhisayaan, ma aha Soomaaliya. In kasta oo ay Soomaali isu qabaan, hadana ma laha ahaanshihii Soomaalinimo ee waalidiintood ay dareemaayeen oo kale; in badan oo ka mid ahina dhaqankii iyo afkii ba waa ay lumiyeen.

Dabcan waa ay jiraan jaamiciyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ahi, waxaa jira dhakhaatiir, kalkaaliyayaal, xirfadlayaal u tababaran adeega bulshada iyo ganacsadayaal, laakiin tiro ahaan aad ayaa ay u yaryihiin kolka loo eego Soomaalida kale ee ku nool gargaarka dawladda, amaba shaqooyinka dakhliga hooseeya. Badiba qoysaska Soomaalida oo balaadhan darteed, iyo dadaal ay ugu jiraan in ay caawiyaan ehelkii ay wadankii kaga soo tageen, waa ay ku adagtahay in ay sameeyaan xataa dakhliga daruuriga ah. Cadaadisyo ku yimaaddda lamaanayaasha ayaa badanaa furitaan ku dhamaada, waalidiinta aan haysanin qaraabo caawisa, gaar ahaan hooyooyinka, dhibaato wayn ayay la kulmaan.

Kolka aan booqashada ku joogo wadankiina, waxa aan la kulmaa dhalinyaro i waydiiya in aan ka caawiyo sidii ay wadanka uga bixi lahaayeen, ee Yurub ku gaadhi lahaayeen. Waa aan fahmi karaa in ay ogyihiin in aanay taasi suurtagal ii ahayn, laakiinse noloshu sida ay sawiranayaan ma aha. Dhalin badan oo aad u yaryar, xataa iyaga oo Norway ku dhashay, ayaa ay haysataa dhibaato ku saabsan dhinaca ahaanshaha, waxa ayna u sahlanyihiin, kuna dambeeyaan saamaynta dhinaca xag-jirnimada.

Wadanka Norway waxa uu noqday mid hodan ah, (Dabcan mar kastaba xaalku sidaas ma iska ahayn), waxa aanan haatan awoodnaa in aan caawino dadka baahan. Markii Soomaalidu ay soo gaadheen wadankan Norway, dagaaladii ehliga ahaa awgeed, dadka wadankan badankoodu wax sidaas ah ma ka aqoonin Soomaaliya, laakiin guud-ahaan waa ay la tacaadufeen markii xaaladda dhabta ah la ogaaday.

Norway dhaqaale ahaan waa ay awoodaa in ay daboosho baahida aasaasiga ah ee qofka magan-galyo doonka ama qaxoontiga ah, sida guryaha, tacliinta, caafimaadka, daryeelka bulshada, iyo waliba damaanadaha dhinaca xoriyadda hadalka iyo diinta. Laakiin kolka la eego rubuc-qarni gii tegay, (25 sano), ereyada ku lamaanaa maqalka Soomaaliya, ee ahaa dagaal iyo gaajo, oo lagu daray budhcad-badeed iyo argagixiso, waxaa weheliyay oo aan maqlaynay ama akhrinay warar ku saabsan dawlado cusub, madaxweynayaal cusub iyo weliba ballanqaadyo cusub.

Anagu waa aanu haysanaa wax aanu ku daryeelno qaxoonti soo magaan-galay wadankayaga, laakiin su’aashu waxa ay tahay, illaa hadma ayay Soomaaliya sii ahaanaysaa wadan qaxoonti uun abuura? Miyaa aad awoodi kartaan in aad waydaan jiilal iska dhan oo dhalinyaro ah?

Gabagabadii, idinka, waa qolyaha hogaanka haya, maxaa idiin qorshe ah marka la eego sidii aad u abuuri lahaydeen jawi ku haboon sidii dadku ay u awoodi lahaayeen in ay Soomaaliya ku nagaadaan, dibna u dhisaan, halkii waddanka oo meelo kale looga baxaa ay ugu muuqan lahayd fursadda kaliya ee lagu abuuri karo nolol macno leh?

Ingeborg Vardøen, waxa uu ku noolyahay Oslo, Norway.

OpEd: Is AMISOM willing to unify and empower Somali National Army? Philosopher’s Corner: Re-examining our humanity as Somalis
Privacy Policy  |  ©2019 Sahan Journal All Rights Reserved.